Sunday, 15 January 2023

ALOOW YAAN WAAYIN XIDDIGTAAN XAFLADA KUSOO ARKEY.

Meel Xaflad ah ayaan si kadis isku bartay, farxad ayeyna igu qaabishay, la kulankeyga iney xiiso u qabtobayeyna i dareensiisay, Asaxaabta ku taxan barteyda Facebook inay ka mid tahay ayay ii sheegtay.

 

Sharaf ayay ii tahay inaan halkaan kugula kulmo, ayey Cod Raxmad ku dheehan igu tiri, Weji farxadeed ayaan uga Mahad.


Sheeko goos-goos ah ayay ila wadaagtay, iyada oo dhoola cadeyneysa ayeyna igu tiri:- Ma ii soo baasi kartaa Nombarka Telkaaga” Haa" intaan ku iri ayaan horey ugu dhiibay Lambarkeygii. 


Ku dhawaad dhawr daqiiqo markii aan dhinaceeda fadhiyay ayaan ka codsadey inay i fasaxdo, si aan u sii wato Hawlaheygii, xilligii ay Xafladda dhamaatay ayaa baadi-goob u galay Xiddigtii aan munaasabadda ku bartay, Nasiibdaro waan ka waayey halkey fadhisay. 


Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay ayaa dhex qaaday, mid-mid ayaan u eegay, baaritaan dheer kadib waan ku guuldareystay inaan soo helo, Xalaal-caleyk ayaan Xaalka ku gaabsaday, balse waxaan us iri koleey wey ku soo wici doontaa, Anigoo madaxa Xoq-xoqanaayo ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii Xafladda. 


Xaqiiqdii inantaasi waxay aheyd Xul Maankeyga qaadatay, muuqaalkeeda ayaa saacad walba i hor imaanayo, Wajigeedii nadiifka ahaa ayaa weli i hor yaalo, Dhoola caddeynteedii iyo codkeedii Naxariista badnaa ayaa Maankeyga ka go’i la’.


Innaba caadi ma aheyn Xiddigtaas, Xaqiuqdii Boos ayey qalbigeyga ku yeelatay, Xusuustayda waxaa ka bixi la’ Wanaagii ay igu Qaabishay.


Maalmo ka dib, waqtigii aan la kulmay Xiddigtaas aan illoobi la'ahay, wali isma maqal oo Hallow ima aysan soo dhihin, balse Rajo ayaan leeyahay.


Qalbigaygu waxa uu ii sheegayaa maalin uun iney i soo wici doonto, Allow yaanan waayin “Xiddigtii Xaflada". 


No comments:

Post a Comment

How is the condition Adhi cadeeye District

magaalada Adhi cadeeye ee hoos tagta Gobolka sool ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyay qaar kamida madax dhaqameedka Gobolka sool taasoo shac...