Sunday, 22 January 2023

How is the condition Adhi cadeeye District

magaalada Adhi cadeeye ee hoos tagta Gobolka sool ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyay qaar kamida madax dhaqameedka Gobolka sool taasoo shacabku siteen calanka dawlada faderalka ah ee somalia. Arintan ayaa sii xumaynaysa xaalada magaalada laascaanood ee gobolka sool taasoo dawlada somaliland waanwaan iyo dejin ka waday Dawlada soomaliland ayaa ilaa hada wax jawaab ah ka bixin xaalada magaalada laascaanood ee laga dhex taagay calanka soomalia soomaaliland ayaa arintan aad uga cadhootay balse dhawris ay dhawrayso shacabka magalada laascaanood iyo nabada gobolka ayay ilaa hada la aamusan gahay xukumada uu hogaamiyo muuse biixi cabdi madax weynaha jamhuuriyada soomaliland magaaladalaascaanood iyo guud ahaan Gobolka sool waxay ka tirsan yihiin xukumada somaliland Balse waxa shaqaaqo ka wada dad ka mida dadka dega deegaanka oo doonaya inay samaystaan maaumul u gaar ah gobolkaas oo keliya maadaama Gobolka sanaag iyo caynba Soomaaliland Gacanta ku hayso oo Bulshadu si nabad ah isaga joogaan mana jiro shacab kacsan oo magaalooyinkaas jooga balse ciladu waa laaacaanood oo keliya. sababta u weyn ee arintan loo aanaynayo ayaa ah in Jamhad la magac baxday SSC ay jirto taasoo Dhibaato weyn ku haysa Gobolka Sool yadoo ka fulisa Dilal aaad u badan jabhadan ayaa doonaya in reer sool iyo dawlada somaliland laysku dhufto si ay jaanis i helaan Taasoo ay ku goostaan magaalada laascaanood Ee xarunta gobolka sool . Akhriste sidee kuula muuqataa arintani?

Sunday, 15 January 2023

ALOOW YAAN WAAYIN XIDDIGTAAN XAFLADA KUSOO ARKEY.

Meel Xaflad ah ayaan si kadis isku bartay, farxad ayeyna igu qaabishay, la kulankeyga iney xiiso u qabtobayeyna i dareensiisay, Asaxaabta ku taxan barteyda Facebook inay ka mid tahay ayay ii sheegtay.

 

Sharaf ayay ii tahay inaan halkaan kugula kulmo, ayey Cod Raxmad ku dheehan igu tiri, Weji farxadeed ayaan uga Mahad.


Sheeko goos-goos ah ayay ila wadaagtay, iyada oo dhoola cadeyneysa ayeyna igu tiri:- Ma ii soo baasi kartaa Nombarka Telkaaga” Haa" intaan ku iri ayaan horey ugu dhiibay Lambarkeygii. 


Ku dhawaad dhawr daqiiqo markii aan dhinaceeda fadhiyay ayaan ka codsadey inay i fasaxdo, si aan u sii wato Hawlaheygii, xilligii ay Xafladda dhamaatay ayaa baadi-goob u galay Xiddigtii aan munaasabadda ku bartay, Nasiibdaro waan ka waayey halkey fadhisay. 


Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay ayaa dhex qaaday, mid-mid ayaan u eegay, baaritaan dheer kadib waan ku guuldareystay inaan soo helo, Xalaal-caleyk ayaan Xaalka ku gaabsaday, balse waxaan us iri koleey wey ku soo wici doontaa, Anigoo madaxa Xoq-xoqanaayo ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii Xafladda. 


Xaqiiqdii inantaasi waxay aheyd Xul Maankeyga qaadatay, muuqaalkeeda ayaa saacad walba i hor imaanayo, Wajigeedii nadiifka ahaa ayaa weli i hor yaalo, Dhoola caddeynteedii iyo codkeedii Naxariista badnaa ayaa Maankeyga ka go’i la’.


Innaba caadi ma aheyn Xiddigtaas, Xaqiuqdii Boos ayey qalbigeyga ku yeelatay, Xusuustayda waxaa ka bixi la’ Wanaagii ay igu Qaabishay.


Maalmo ka dib, waqtigii aan la kulmay Xiddigtaas aan illoobi la'ahay, wali isma maqal oo Hallow ima aysan soo dhihin, balse Rajo ayaan leeyahay.


Qalbigaygu waxa uu ii sheegayaa maalin uun iney i soo wici doonto, Allow yaanan waayin “Xiddigtii Xaflada". 


su'aalo diini ah iyo jawaabohooda fadlan ka faa'idayso

 Mahad dhamaan teeda Ilaahay (swt) bey u sugnaatay, isaga ayaanu kaalmo weydiisan neynaa amuuraha adduunka iyo tan aakhiriba. Nabadi dushiisa ha ahaato suubanaha Rasuul keena Muxammad  iyo dhamaan ehel kiisa iyo saxaaba diisa. Aammiin.

Ku darso ogaalkaaga oo ka faa’iidayso su’aalahan Diiniga ah iyo jawaabahoodii oo wada socda waana lama huraan in aad diintaada wax badan ka barataa oo aad ka jawaabi kartaa marka lagu waydiiyo.

Halkaan Ka Bilow
Ka Faa’ideysi Wacan

S1aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta

J1aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.

S2aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

J2aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

S3aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

J3aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.

S4aad: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

J4aad: Waa masaajidka Qubaa.

S5aad: Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

J5aad: Maydka xalaasha ahi waa (Ayaxa iyo Kaluunka).

S6aad: Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

J6aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

S7aad: Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J7aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

S8aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebigaﷺ, sixray?

J8aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

S9aad: Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J9aad: Wuxuu ahaa Cuqba binu abi Waqaas.

S10aad: Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

J10aad: Waxay ahayd Nebi muuse hooyadii.

S11aad: Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

J11aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.


How is the condition Adhi cadeeye District

magaalada Adhi cadeeye ee hoos tagta Gobolka sool ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyay qaar kamida madax dhaqameedka Gobolka sool taasoo shac...